Shirki Golaha Barlamaanka Dhalinyarada Puntland iyo talooyinki ka soo baxay

Shirki Golaha Barlamaanka Dhalinyarada Puntland iyo talooyinki ka soo baxay 22 September ilaa 29 September

Kulankii Barlamaanka Dhalinyarada Puntland ee qabsoomay September 22 ilaa September 29, 2018, waxa ay uga wada hadleen oo ajanahoodu ka koobna shan qodob oo muhim u ah dawladnimada iyo guud ahaan howlaha maamul wanaagga. Waxa qodobadaasi ay ahaayeen: Demoqaraadiyenta, caddaaladda, Adeegyada bulshadsa, Miisaaniyadda iyo Musuqmaasuqa.

  1. Demoqaraadiyeynta

Xubnahu waxa ay soo bandhigeen soo jeedino badan oo isugu jira dhaliilo iyo talooyin ku wajahan Dawladda Puntland. Iyagoo cuskanaya qodobo dastuuri ah waxa ay isla qireen in aaney dawladihi isaga dameeyey Putnalnd wax xil ah iska saarin sidii loo qaban lahaa doorasho hal qof iyo hal cod ah. Taasi waxa ay keentay in weli lagu sii nagaado qaabkii xulidda xildhibaanada oo soo xulaiyeen oday dhaqameedyadu. Qaabkaas oo fursadda ka saaray xaquuqda iyo xoriyadda qofka oo ka soo horjeeda in qofku wax dooran karo la dooran karo.

Si loogu gogol xaaro doorasho waxa loo baahanyahay in la qaado talaabooyinka soo socda:

  1. In la helo rabitaanka dawladda ee in la qabto doorashooyin.
  2. In la sameeyo tira koob dadweyne,
  • In la sameeyo xuduudayn gobolada iyo degmoyinka,
  1. In la sameeyo wacyigelin dadweyne
  2. In talo laga gaaro hubka ku jira gacanta dadweynaha si loo sugo ammaanka
  3. In l fududeeyo furashada xisbiyo siyaasadeed.
  • In xisbiyada laga ilaaliyo ku dhisnaanta qabyaaladda;
  • In la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah
  1. In doorashadu ay ahaato mid xor ah oo madax bannaan.
  1. Caddaaladda

Dhalinyaradu waxa ay aad uga hadleen Caddaaladda Puntland oo ay sheegeen in dhibaato ka tagaan tahay. Waxa ay carrabka ku adkeeyeen in aan laga aamusikarin dayaca iyo ku tumashadas xaquuqul insaanka ee ka jirta arimaha caddaaladda. Waxa ay soo bandhigeen talooyinka soo socda:

  1. In la hagaajiyo nidaamka garsoorka Puntland
  2. In helo garsoorayaal aqoon badan u leh hawlaha garsoorka
  • In Maxkamaduhu ay noqdaan goobo laga fuliyo caddaaladda ee aaney noqon goobo caddaaladda lagu bah dilo oo laaluushka lagu qaato
  1. In miisaanayadda Dawladda looga qoondeeyo in daboosha baahida caddaaladda
  2. In hawlwadeenada garsoorka la siiyo wacyigelin ku aadan hawshooda
  3. Adeegayada Bulshada

Dhalinyarada Barlamaanka Puntland waxa ay kulankooda ku soo bandhigaan in xaalad adagi ka jirto adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha.

  1. Caafimaadka

Dhalinyaradu waxa ay soo jeediyeen in hawlaha adeegga caafimaadku u baahan yahay in wax badan laga qabto. Waxa ay talo ahaan ku soo jeediyeen

  1. In la ilaaliyo tayada daawada dalka la keeno, lana sameeyo hay’ad wax ku ool ah oo ka shaqaysa tayo-dhowrka daawooyinka;
  2. In isbitaalada ay dawladu gacanta ku hayso la hagaajiyo maamulkooda, nadaafadooda iyo dayactarkooda;
  • In la hubiyo dhaqaatiirtu aqoonta ay sheeganayaan;
  1. In hawlawadeenada caafimaadka la siiyo wacygelin ku aadan la dhaqanka bukaanka;
  2. In xayeysiisyada arimaha caafimaadka la hubiyo;
  3. In la siiyo mushahar ku filan
  • In ay helaan agab caafimaad oo wanaagsan iyo mushahar ku filan.
  • In adeegyada caafimaadka la gaarsiiyo goobaha miyiga.
  1. Waxbarashada

Dhalinyarada Barlamaanka Puntland waxa ay kulankooda ku soo bandhigeen cabashooyin badani in ay ka jiraan waxbarashada kuwaas oo ay talooyinkan ka soo jeediyeen:

  1. In goobaha waxbarashada la dhigo kuwo ku habboon in wax lagu barto oo ardayda aan ciriiri ku ahayn;
  2. In waxbarashada, fasalka iyo aqoonta macalimiinta la iswaafajiyo;
  • In macalimiinta la baro aqoonta cilmi nafsiga iyo la dhaqanka ardayda da’yarta ah;
  1. In carruurtu ay helaan waxbarasho tayo leh;
  2. In ardayda loo dhameeyo manhajka sannad dugsiyeedka;
  3. In wasaaradda waxbarashadu ay kormeer joogta ah ku samayso dugsiyada;
  • In wasaaradda waxbarashadu ay u hawlgasho sidii ay waxbarasho u helilahaayeen carruurta aan waalidkood ka bixin Karin lacagta iskuulka.
  • In waxbarashada la gaarsiyo reer guuraaga.
  1. In waalidiinta lagu dhiirigeliyo in ay la socdaan waxbarashada carrurtooda.
  2. Biyaha

Dalka waxa ka jira biyo la’aan daran miyo iyo magaaloba. Waxa yaraaday roobki. Waxa goobihi biyaha lahaa biyo macaan ay isu bedel dhanaan iyo milix aan la isticmaalikarin. Si looga gudbo dhibaatadaas waxay dhalinyaradu soo jeediyeen talooyinka soo socda:

  1. In laga faa’ideysto roobka oo biyo xireeno laga dhiso meelaha ku habboon;
  2. In ceelal laga qodo goobaha oomahana ah,
  • In dadka lagu wacyigeliyo in ay si iskaa wax u qabso ah dayactirtaan ceelasha;
  1. In la ilaaliyo nadaafadda ceelasha;
  2. In la hubiyo tiyada biyaha ay sameeyaan wershadaha dalku;
  1. Miisaaniyadda

  Barlamaanka dhilinyarada Puntland waxa ay kulaankooda ku soo bandhigeen in   miisaaniyadda Dawladdu Puntland aan loogu dhaqmin sida ay Barlamaanku dawladdu ku ansixiyaan. Qoonadada ugu yarna waxa la siiyaa adeegyada bulshada iyo caddaaladda. Arintaasi waxa ay caqabad ku tahay in bulshadu ay hesho adeeg ku habboon. Sidaas darteed waxa ay soo jeediyeen:

  1. In miiaaniyada dawladdu lagu saleeyo baahidda dalka ka jirta;
  2. In qoondada miisaaniyadda lagu cabbiro baaxadda hawleed ee ka jirta hay’adaha dawladda;
  • In aad loo kordhiyo qoondhada adeegyada bulshada.
  1. In Miisaaniyadda dawladda lagu daro barnaamijyo horumarineed.
  1. Musumaasuqa

Dhalinyaradu iyagoo tixraacaya daraasado ku saabsan musuqmaasuqa oo ay sameeyeen hay’ado kala duwan oo isbarbar dhigay dalalka Adduunka, kuwaas oo heerka ugu liita ku tilmaamay dalka Soomaaliya iyo daraasad ay samaysay Jaamacadda PSU oo soo bandhigtay in musuqmaasuq ba’ani ka jiro dhammaan hay’adaha dawladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxa ay soo jeediyeen talooyiinkan:

  1. In la sameeyo guddi madax bannaan oo la dagaalama Musuqmaasuqa;
  2. In Hay’adda Hantidhowrka loo madax baneeyo hawsheeda lana tixgeliyo warbixnada oo soo saarto;
  • In bulshada laga qaybgeliyo la dagaalanka musuqmaasuqa;
  1. In qofkasta oo la doorto ama jago sare loo magacaabo uu soo bandhigo hantidiisa inta aanu xilka la wareegin.
  2. In ciqaab kulul la mariyo ciddii lagu helo musuqmaasuq.