KAALO

Deeq lacaga oo la gaarsiisay qaar ka mid ah qoysaskii ku cayroobay duufaantii barafka & qabowga watay ee ka da’ay deegaano gobalada Bari iyo Nugaal.(Sawiiro)

Hay’adda maxaliga ah ee Kaalo ayaa waxay deeq lacag ah gaarsiisay qaar ka mid ah qoysaskii ku cayroobay duufaantii barafka & qabowga watay ee ka da’ay deegaano gobalada Bari iyo Nugaal.

Deeqdan lacagta ah oo ay kaalo qoysaska u qaybisay ayaa ka timi Hay’adda OXFORM waxayna ugu talo gashay in la gaarsiiyo qoysaska ay waxyeeladu kasoo gaartay duufaanta oo dagan Tuulada Qarxis iyo nawaaxigeeda.

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda Kaalo Axmed Shire Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay qoyskiiba in la siiyay 145 doolar ayna ugu talo galleen inay nolashooda ku maareeyaan,wuxuu kalo sheegay in loo dhisayo labo baraagood.

Qaar ka mid ah qoysaskii fursadaan ka faa’idaystay ayaa u mahad celiyay Hay’adda Kaalo oo ay ku tilmaameen inay tahay hay’addii ugu soo hor gurmatay markii ay duufaantu dhacday.

1110-450x342 68-450x342 78-450x342 86-450x342 95-450x342 104-450x342 211-450x342 310-450x342 410-450x342 510-450x342

Scroll to Top