KAALO

KAALO oo aqoon iswaydaarsi u qabatay Shaqaalaha Maaliyada iyo Canshuur bixiyayaasha Puntland.

(Sawirro) KAALO oo aqoon iswaydaarsi u qabatay Shaqaalaha Maaliyada iyo Canshuur bixiyayaasha Puntland.
Hay’adda wadaniga ah ee KAALO ayaa aqoon isweydaarsi u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshadda & Hay,adaha maaliayadda Puntland,aqoonisweydaarsiga oo ka dhacay Hoolka shirarka ee GOB-SOOR ayaa waxaa looga arrinsanayey Hanaanka Canshuraha Puntland & sida loo hagaajin karo qaadistooda.
Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qabanqaabiyeen Sarakiisha Hay,adda Kaalo oo kaashanaya Hay,adda ay bahwadaagta yihiin ee DIAKONIA isla markaana gacan ka helaya Mashruuca SIDA,waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradda Maaliyadda, Dowladda Hoose ,Baanka puntland,Rugta Ganacsiga ,Qurbe-joog,Cculimadda,Odayasha dhaqanka,Ganacsatadda,Ardayda Jamacadaha gaar ahaan Kulliyadaha Dhaqaalaha & Khuburo dhanka dhaqalaha ah.
Kullanka aqoon isweydaarsiga ah oo Maalinle ah ayaa waxaa dood dheer ka dib waxaa lagu soo bandhigay dhibatadda haysatada qaabka soo xeraynta Canshuuraha puntland guud ahaan & sida xal looga gaari karo caqabadahaas oo idil.

Guulaha lagaarey 15-kii sanno oo ay dowladda Puntland jirtey
Aasaasidda wasaaraddo iyo hay’addo kashaqeeya canshuuraha
Koboc kuyimaaday dekhliga dowladda illaa uu kagaarey US$ 41.2 million
Iyaddoo la siyaadiyey mushaharka shaqaalaha dowladda
Waxaa lasoo kordhiyey hanaan casriya oo loo qaadayo canshuuraha Gaadiidka (computerized System).
Dhibaatoyinka kajira habka qaadista & Maaraynta canshuuraha Puntland
Dowladda Puntland ee 15-ka jirta. malahan siyaasad cad oo canshuuraha ah
Shacabka oo u fahansan canshuuraha wax lagu khasbayo oo aysan dan ugu jirin iyaga
Dowladda dhexe iyo dowladda hoose oo inta badan isku haysta maamulka dekhliga ee deegaanka
Shaqaalaha canshuuraha oo aan ahayn kuwo aqoon iyo tayo leh, inta badanna ayba isku dhacaan ganacsatadda. Tiro badan oo ah dadka canshuuraha aruuriya ayaa ah dad laqabatimey balwadda side qaadka iyo sigaarka.
Maamul xumo ka jirta dowladda iyo hay’adeheedda ka shaqeeya dabagalka iyo laxisaabtanka, inta badan hanti dhowrka guud wuxuu hoos tagaa madaxtooyadda , halka laga rabey innuu lashaqeeyo Barlamaanka, sidoo kale xisaabiyaha guud wuxuu hoostagaa madaxtooyadda
Waxaa inta badan dhacda qofku markuu noqdo wasiir amma agaasime amma wakiil dowlo, waxaa dhacda in qofku uu lunsaddo lacago wasaaraddaas amma hay’addaas soo gala, waxaad kagaraneysaa isla markiiba qofkaasi hanti buu kasameen xafiiskiisa, iyaddoo uu qaato Tusaale mushahaar dhan $2000 bishii, uunna kasameen kara guryo, baabuur iyo ganacsi. Hadaba maxaa khaldan weeye su’aashu? Wax cadayn ah looma hayo inta badan dadka qaata lacagaha dowladda xafiisyadeeda laga sameeyo , maxaa yeelay majiro hab amma hanaan lagu ogaan karo, sababtoo ah nidaamka lacagaha wadanka soo gala maxiriirsanna.

Dowladda hoose marka ay dooneyso inney canshuurta guryaha qaado amma tan ganacsiga waxay shacabka u adeegsataa ciidan ganjeeladda kala baxa guryaha si qofku uu u bixiyo canshuurta
Waxaa aad u kooban amma u yar aasaaska canshuuraha
Howlgabnimo kajirta gudiga maaliyadda ee barlamanka
Iyadoon inta badan aan la’illaalin madaxyadda qorshaha maaliyadda (Budget)
Talooyin/Soojeedin
In siyaasadda canshuuraha lasameeyo (Taxation Policy)
In dadka labaro amma laga wacyi geliyo canshuuraha iyo bixintoodda (Tax education)
In lasameeyo hab hufan oo isku xiran oo dowladdu lacagaha ku aruuriso kuna kharashgareyso (Database system)
Kor u qaadidda tayadda shaqaalaha canshuuraha
In dadka lunsadda amma lagu cadeeyo inney hanti lunsadeen in sharciga lahorkeenno
In lasameeyo hab laga qayb gelinayo ganacsatadda dejinta siyaasadda canshuuraha
In lasameeyo shirweyne guud oo ay iskugu immaanayaan ganacsatadda iyo dowladda oo loogana wadda hadlayo kobcinta canshuurahaIn dowladdu ay shacabka u muujiso dareen hogaaminta wanaagsan ah
In dowladdu ay latimaado rabitaan siyaasi ah oo ku wajahan saxidda khaladaadka jira
In Shaqaalaha loo sameeyo astayn shaqo, lana kala saaro dekhliga dowladda dhexe iyo tan dowladdaha hoose
In lasameeyo daraasaad ku saabsan canshuuraha iyo habka maaliyadda Puntland
In dekhliga dowladda iyo sida loo kharash gareeyo loosoo bandhigo shacabka
In lasameeyo hab lagu illaalinayo maaliyadda dowladda (Control measures)
Dekhliga dowladda dhexe iyo kharashgareyntiisa
Dekhliga dowladda wuxuu kasoo siyaadey US $ 38.5 million sanaddii 2012
Sanadkii 2011, kharashka ugu badan waxay dowladdu ku bixisey kharashaadka guud (38.4%), ciidamadda militeriga (12%), booliiska (9.2%) iyo xafiiska madaxweynaha (9%), keliya waxaa caafimaadka kubaxa 1.4%, waxbarashadda 2.2%. (Xigasho MoI 2012)
Dhekhliga iyo kharashka dowladaha hoose ee sannaddii 2012
2012 Dakhli Kharash (Faraq) Balance (So Sh)
Bosaso

21,368,568,000 16,571,839,000 4,796,729,000
Garowe

4,960,369,000 2,316,968,000 2,643,401,000
Galkio

30,000,715,000 28,980,010,000 1,020,705,000
Gardo

6,435,613,000 11,640,595,715 -5,204,982,715
(Xigasho: MoI survey 2013)

Prof. Maxamed Cabdi Samenter Surcad “Waxaa Muhiim ah in hab fadhiya loo sameeyo hanaanka Canshuuraha Puntland isla markaana la baro bulshadda. Dowladuna ay adeegyadda asaasiga ah gaarsiiso bulshadda”.
Axmed Shire Axmed oo ah Agaasime Kuxigeenka Hay,adda Kaalo ayaa iclaamiyey in talooyinka iyo tilmaha kasoo baxay aqoonisweydaarsigan ay la wadaagi donaan Hay,adaha dowladda ee ay qusayso iyo bulshadda,si looba baritaaro waxna looga qabto caqabadaha haysta Nidaanka bixinta Canshuuraha puntland.

 63

64 65 66 67 68 69 282 283 284 285

 

286

Scroll to Top