KAALO

(Sawiro) Hay’ada KAALO oo magaalada Bosaso ku qabatay kulan ku saabsan aqoonta Madaniga ah

 

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen haween,dhalinyaro,Nabadoono,xubno ka tirsan shaqaalaha dowlada hoose ee degmada Bosaso,Culumaa’udiin,ururada Bulshada rayidka ah,Booliska iyo Maxkamadaha ayaa maanta ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Barnaamijka oo lagu baranayay aqoonta Madaniga ah oo loogu talagalay in Bulshada ay fahmaan waxyaabaha xaqa ay u leeyihiin,sida ay ula shaqaynayaan dowlada iyo habka wannaagsan ee Dimuqraadiyadda ayaa waxa fuliyay hay’ada KAALO,waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya Sida oo usoo marisay hay’ada Diakonia.
Aqoonyahan Nuur Shire Cismaan oo ka mid ah hay’ada KAALO ayaa sheegay in Barnaamijkan dhigiisa uu ka socdo Gobobolada Karkaar,Cayn,Sool,Mudug,Bari iyo Nugaal.

 

’’Barashada ku saabsan aqoonta madaninimada way balaarantahay, waxayna taabaneysaa arrimo muhim u ah muwaadin kasto’’Ayuu yiri Nuur Shire Cismaan oo dadweynaha la wadaagay xog baahsan oo ku saabsan aqoonta Madaniga ah.

 

Cabdisamaad Maxamed Cali oo ah ku xigeenka Madaxa Barnaamijka aqoonta Madaniga ah ee hay’ada Diakonia oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay furitaanka kulanka ayaa sheegay in arrintan ay horsed u noqonayso in qofka Muwaadinka ah ee reer Puntland uu uga qayb qaato arrimaha Bulshada;-qaab dhaqaale,qaab Siyaasadeed iyo qaab wadaniyadeed.
Intii kulanku uu socday ayaa dadweynaha kasoo qayb galay ay ka faa’iidaysteen aqoon durugsan oo ku saabsan Madaninimada.

Si kastaba ha ahate,arrimahan ayaa imanaya xilli kulan ka dhigiisa ay hay’ada KAALO todobaadkan ku qabatay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

 

78 87 97 105 120 125 135 144 153  314 412 514 613 1110