Tababar ku saabsan Barnaamijka aqoonta Madaniga ah oo qardho lagu qabtay (sawiiro)

Kulanka oo ay soo qayb galeen ,dhalinyaro,haween,Booliska,Maxkamadaha,shaqaalaha dowlada hoose,Nabadoono iyo Culumaa’udiin ayaa maanta ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Ujeedada kulanka ayaa waxa saldhig u ahaa Barnaamijka aqoonta Madaniga ah oo loogu talagalay in Bulshada ay fahmaan waxyaabaha xaqa ay u leeyihiin,sida ay ula shaqaynayaan dowlada iyo habka wannaagsan ee Dimuqraadiyadda.

Nuur Shire Cismaan oo ka mid ah Saraakiisha hay’ada KAALO ayaa sheegay in Barnaamijkan ay ku qaban doonaan Magaalooyinka iyo Tuulooyinka si buu yiri Bulshada loo gaarsiiyo Barnaamijka aqoonta Madaniga ah,oo muhiim u ah Bulshada si ay u fahmaan habka wannaagsan ee dowlada wannaaga si loo gaaro in qof walba uu xil isaga saaro waajibka saaran.
Cabdisamaad Maxamed Cali oo ah ku xigeenka Madaxa Barnaamijka aqoonta Madaniga ah ee hay’ada Diakonia ayaa hoosta ka xariiqay in Barnaamijkan uu qayb ka yahay habka wannaagsan ee dowlad wannaaga,Dimuqraadiyadda,iyo nabadaynta,wuxuuna xusay in hay’da Diakonia ay Barnaamijkan ka fulinayso dhamaan deegaanada Puntland.

Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid ‘’Hogaamo-laroor oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Barnaamijkan ay faa’iido ugu jirto ku nool Qardho,wuxuuna xusay in kor loogu qaadayo habka wannaasan ee dowlad wannaaga.

Si kastaba ha ahate,Barnaamijkan ayaa waxa fulinaya Hay’ada KAALO oo ka mid ah hay’adaha sida wayn ugu shaqeeya deegaanada Puntland,waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya SIDA oo u soo marisay Hay’ada Diakonia.114

 

410 85 95 104 115 124 134 134 (1) 143 152 172 191 201 215 311